U codee SV- da deegaanka iyo cadaalada

Mudanayaal Oslo,

Waa muhiim cidda xukunta Oslo. Sideedii sano ee la soo dhaafay, magaaladu waxay lahayd aqlabiyad (casaan iyo cagaar)  iyo duq magaalo oo SV ah. Waxaan helay hawo nadiif ah iyo qiiqoo yaraaday. Hawlo- iyo cunto dugsiyeed bilaash ah. Gaadiid dadweyne oo  wanaagsan iyo hoos udhac isticmaalka baabuurta. Samafal dadweyne oo baahsan iyo yareeynta lahaansho gaar ah.

Waan ku faanaynaa waxaan qabanay, waana inaan sii kordhinaa!

Kala duwanaanshuhu waa inuu yaraado

Oslo weli waa magaalo kala qaybsan oo farqi wayni ka muuqdo awoodda iyo hantida. Meesha aad ku nooshahay ayaa saamayn weyn ku leh  fursadaha aad haysato. SV wax bay ka qaban doontaa arrintan. Waxaan ku boorin doonaa kuwii horay u helay ladnaan inay wax badan ku biiriyaan magaalada, Markaasaan awood u yeelan karnaa inaan Oslo ka dhigno magaalo wanaagsan oo uu qof walba ku noolaado.

SV Waxay doorasho ku galaysaa:

✻ Samafal aan faa’iido doon ahayn. Xanaano dhalaan, daryeel waayeel iyo badbaadada carruurta oo ay maamulaan degmooyinku ama ururo aan macaash doon ahayn.
✻ Siyaasad degaan oo cadaalad ah. Qof kastaa waa inuu helaa guri uu ku nagaado, ha ahaado kiro ama miduu leeyahay. Waxaan u fududeyn doonaa dhallinta iyo kuwa doonaya inay gataan gurigoodii ugu horeeyay.
✻ Shaqo sugan oo qof walba helo. Dadka nadiifiyeya dugsiyada iyo guryaha xanaanada waayeelka, waxaa laga siin doonaa shaqo buuxda oo joogta ah degmada.

Qiiqa hawada waan yaraynaynaa

Dhibka cimilada waa mid hada taagan, waana in xal loo helaa. Dhawrka sano ee soo socda ayaa go’aamin doona in dunidu ay gaarto yoolalka cimilada. SV waxay ku xoojin doontaa yoolalka cimilada Oslo xalal cusub. Ma quusan doono ilaa qiiqu ka hoosmaro eber, oo Oslo ay qabato CO2 ka badan inta aan siidayno.

SV Waxay doorasho ku galaysaa:

✻ Hirgalinta 40,000 oo saqafka Korontada laga dhaliyo qorraxda illaa 2030. Sidaasna waxaan ku yarayn doonaa wasaqda qiiqa iyo kharashka korontada.
✻ Maalgalin badan oo lagu sameeyo baaskiilada, taraamka, basaska iyo tareenada – waxay sahli doonaan in lagu safro jawi dhawra deegaanka (Bii’ada).
✻ Nolol magaalo oo laga xanibay baabuurta farasmagaalka, agagaarka dugsiyada iyo meelaha ay dadku ku nool yihiin. Dadkoo dhan waa inay furdsad u helaan deegaan aagooda ah.

Dugsi dhiirigelinaya

Ardey la dhiirigaliyay ayaa waxbadan barta. Sidaa darteed, waxaan u baahanahay dugsiyo farsamo oo kala duwan oo cadaadis yar, iyo fasax ay carruurtu ku helaan ​​​​wakhti iyo lacag – si ay u kobciyaan danahooda. Dhammaan carruurtu waa inay awood u yeeshaan inay qayb ka noqdaan bulsho waxbarta, ku dhex guulaystaan ialamarkaan ku qanacsan yihiin.

SV Waxay doorasho ku galaysaa:

✻ Waa in shaqada casharada ardayda yaryar ay ku koobnaadaan iskuulka, gurigana ay fasax ku ahaadaan. Hirgalinta xeer ka fasaxaya inaan shaqo guri loo dirin fasallada 1-4.
✻ Nidaamka gelitaanka dugsiga sare oo caddaaladda ah, bixiyana xorriyadda doorasho oo dhab ah iyo kala duwanaanshaha.
✻ Miisaaniyad sare oon ku bixino hawlha waqtiga nasashada. Dhammaan dhalinyaradu waa inay u suuragashaa  ka qayb qaadashada ciyaaraha iyo dhaqanka.

Musharixiintayada ugu waaweyn

1. Musharax: Sunniva Holmås Eidsvoll

Sunniva waa xubin golaha deegaanka ah waxayna maamushaa waxbarashada iyo siyaasadda dugsiyada Oslo. Waxay aad u jeceshahay xakamaynta isbadalka cimilada, sinaanta iyo hubinta in dhammaan carruurta iyo dhallinyaradu ay helaan koriin wanaagsan.

2. Musharax: Omar Samy Gamal

Cumar waa musharaxa duqa magaalada SV wuxuuna u halgamaa magaalo ay wadada socdaan dadkeedu. Markii hore, waxa uu ka soo shaqeeyay makhaayad cunto oo yar  iyo macallin. Hadda waa xubin golaha deegaanka ah oo maamula siyaasadda dhaqanka iyo ciyaaraha.

3. Musharax: Sarah Safavifard

Sarah waa gabadh dumar ah waxayna u dagaalantay siyaasad Degaan oo cadaalad ah iyo mustaqbal ka xor ah burburka dabiiciga ah iyo dhibaatada cimilada. Waxay soo baratay macalinimo waxayna diyaar u tahay afar sano oo cusub oo ay ku jirto golaha deegaanka Oslo.

4. Musharax: Ola Wolff Elvevold

Ola wuxuu ku nool yahay Groruddalen, wuxuu hogaamiyaa golaha deegaanka SV,  wuxuuna taariikh dheer ku leeyahay dhaqdhaqaaqa deegaanka. Waxa uu rabaa in uu hoos u dhigo qiiqa cimilada iyadoo kor loo qaadayo tayada gaadiid dadweynaha , horumarinta magaalo cagaaran iyo saqfkeedu dhaliyo tamarta qorraxda.

Musharixiintayada Af-soomaaliga ku hadla

Asma Ali Said

Lambarka 41 ee golaha deegaanka Oslo iyo lambarka 9 ee degmada Vestre Aker.

Waaxan aad u jeeclahay cadaaladda, shaaqo joogta ah, oo leeh Lacag aad kuu noolan kaartid inaay kuu soo gashoo sii aan faarqiga qofka taa jiirka ah iyo kaa faaqirka ah anay uu kaala waay nanin. Uguu danaby isboortiga oo Qof walba kaa qaayab gaali kaaro sii uu isku dheex kalka oo fuududaado naa waa muhiim.

PDF: Somali │ Soomaali