Haddii aad u codeyso SV, waxaad u codeyneysaa in la yareeyo kala duwanaashaha dhaqaale ee ka jira bulshada, lana xoojiyo wadajirka.
Waxaad dooraneysaa in la joojiyo sahminta saliidda ee cusub, laguna beddelo shaqooyin cagaaran oo waara. Waxaad codkaaga siinaysaa dowlad cusub oo ay soo dhisaan xisbiyadda garabka bidixe. Dhimidda kala duwanaanta dhaqaale ee bulshadda. Waxaa aad u kordhay farqiga u dhexeeya dadka tujaarta ah iyo kuwa danyarta ah ee ku nool Oslo iyo guud ahaan dalka. Qiimaha guryaha, korontada iyo raashinka ayaa sidoo kale kordhay. Dad badan ayaa ka walwalsan sidii ay u dabbari lahaayeen nolashooda maalinlaha ah. Waxaa la joogaa waqtigii la heli lahaa nolol dhaqaale oo caddaalad ku dhisan, dadkuna ay ku noolaan karaan.
Xisbiga SV wuxuu doonayaa in la meelmariyo:
✻ Guryo ay dadku kharashkooda bixin karaan.
✻ In kirada hoos loo dhigo, si ay dadku fursad ugu helaan iibsiga guriga ugu horreeya iyo in degdeg loo dhiso guryo badan.
✻ Daryeel bulsho oo wanaagsan. In la kordhiyo kaalmada carruurta, lana hubiyo in daryeelka caafimaadka ilkaha uu noqdo mid uu qof walba awoodo. In aan caafimaadka ilkuhu ka qaalisanayn caafimaadka guud.
✻Canshuur caddaalad ah. In canshuurta laga dhimo dadka dakhligoodu dhexeeyo, laguna kordhiyo kuwa hantiilayaasha ah si ay masuu’liyadda bulshada qaybtooda uga qaataan.
✻Waa in wax laga qabto dhibaatada cimiladda. Dhibaatadda cimiladu waa mid khatar ah, aan caddaalad ahayn, loona jeedo waxyeelladeeda ay leedahay. Sannadba, sannadka ka dambeeya, roobab xooggan, abaar iyo daadad ayaa soo kordhaya.
✻Xisbiga SV wuxuu doonayaa: In la joojiyo sahminta saliidda ee cusub, in la yareeyo wasakheynta hawada, lana abuuro shaqooyin waara oo deegaanka u roon.
✻Xisbiga SV wuxuu doonayaa: In gabi ahaanba la joojiyo baaritaanka saliidda ee cusub, lana horumariyo shaqooyin cagaaran oo waxtar leh.
✻In la maalgeliyo gaadiidka dadweynaha sida basaska, tareenada iyo baaskiillada – lagana baaqsado dhisidda waddooyin waaweyn oo cusub. In la ilaaliyo dhirta dabiiciga ah ee qiimaha leh, lagana hortago in laga qodo macdanta badda hoosteeda.
✻Midnimo iyo garab istaag caalami ah: Dunidu waxay u baahan tahay hoggaan u istaaga dimuqraadiyadda, caddaaladda iyo iskaashiga. Marka ay madaxdu hanjabaad la yimaadaan sida Trump iyo Putin, waa in aan dimuqraadiyadda difaacnaa. Marka xasuuqyo la saadaaliyo, waa in aan istaagnaa si aan u ilaalinno sharciga caalamiga ah. Marka sinnaanta adduunka ay sii kala fogaato, waa in aan garab istaagnaa kuwa saboolka ah.
✻Xisbiga SV wuxuu doonayaa: In la taageero Falastiin xor ah. In cunaqabatayn lagu soo rogo Israaiil, lana mamnuuco in lacagaha kaydka saliidda loo isticmaalo maalgashi lagu taageerayo gumeysiga iyo jebinta sharciga caalamiga ah. In taageero buuxda loo fidiyo Yukrayn, iyadoo la kordhinayo taageerada la siiyo dadka u dagaallamaya xorriyadooda. In la laba-jibbaaro doorka ay Norweey ku leedahay ciribtirka saboolnimada iyo xal u helidda isbeddelka cimilada ee dunida.

SVs arbeidsprogram 2025-2029
Last ned arbeidsprogramVåre kandidater
1st Candidate
Marian Hussein
Marian is a Member of Parliament and Deputy Leader of SV. She’s a social worker with many years in the health services, NAV and child protective services. Marian grew up in Stovner and fights against increasing inequality. She’s passionate about antiracism, building a society that takes care of everyone, and creating an inclusive working life.
2nd Candidate
Sunniva Holmås Eidsvoll
Sunniva has years of experience from Oslo City Council
and has been city commissioner for children and education. She’s passionate about ending the climate crisis, reducing inequality and giving all kids a good start in life.
3rd Candidate:
Andreas Sjalg Unneland
Andreas is a Member of Parliament and SV’s spokesperson on finance. He’s a lawyer and former leader of the Socialist Youth. Andreas lives in Grünerløkka and is passionate about fair housing policy, the environment and international solidarity.